Ciidanka ammaanka Dhoobley oo gacanta ku dhigey rag ka tirsan Khawaarijta

95

Hay’adaha amniga ee degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Howlgalkan oo ay sameeyeen ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska ayaa lagu soo qabtay rag ka tirsan Khawaarijta oo maalmahan lagu dabo jiray, kuwaas oo qorsheenayay in ay gaystaan weerar Argagixiso.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkan oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in ay hayeen xogta dhagarqabyaasha howlgalka lagu qabtay, ayna sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.