
Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa laga daah-furay Mashruuca Nabadeynta Soomaaliya oo ah mid muhiim u ah bulshada deegaanka.
Mashruuca oo ay iska kashanayaan Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda Equal Access International iyo Active in Development Aid ayaa markisa ugu horeysay laga daah-furay gobalka Gedo.
Kulanka daah-furka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Jubbaland, Wasiirka Cadaaladda, Gudoomiyaha degmada Doolow, Xidhibaanno, maamulka Doolow, taliyaasha amniga Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada doolow.








