Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Qeydar-Cadde oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xuddur.
Inta uu socday howlgalka waxaa khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, Ciidamada ayaa sidoo kale buburiyey fariisimihii ay ku sugnaayeeyn khawaarijta weerarka lagu qaaday.
Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysay ayaa soo bandhigay hubkii laga soo furtay iyo godadkii ay ku dhuumanayeen horjoogayaashii iyo Maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa Deegaanka Qeydar-Cadde oo hoostaga magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.