Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo kullan ku saabsan horumrinta waxbarashada la qaadatey hay’ada LWF

97
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee Jubaland mudane Axmed Faarax Cali (Aweys) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda LWF qeybteeda waxbarashada.
Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa looga hadlay iskaashiga iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada waxbarashada ee Jubaland.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa dugsiyada iyo ardayda deegaanka, iyadoo la raadinayo in la kordhiyo fursadaha waxbarasho ee ay helaan ardayda reer jubaland.