Shir wax looga beddelaayey qorshaha qaranka oo Kismayo lagu qabtay

118

Shirka wadatashiga qaran ee wax ka bedelka qorshaha shanta sanno ee soo socota ayaa maanta magaalada Kismaayo waxaa ku wadda qabtay wasaaradaha qorshaynta dowllada federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda qorshaynta dowllada Jubbaland oo wadda jira.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay  agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kala duwan ee dowllada Jubbaland iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda qorshaynta qaranka.

Kulan-kaan  oo soconaya mudo afar cisho ah ayaa waxaa looga hadlaayo arimo muhiim ah oo wax looga beddelayo qorshaha qaran ee 2025 ilaa 2029, Kaas oo muhiim u ah wasaaradaha Jubbaland in ku biiriyaan aragtida ay qabaan agaasimayaasha guud ee ka socda wasaaradaha Jubbaland iyo qorshayaasha horumarinta ee muhiimka u ah dowllada Jubbaland.

Agaasimaha waaxda qorshaynta qaranka ee Soomaaliya Mudane Muuse Maxamed Cismaan ayaa Radio Kismayo u sheegay  in wax laga beddelaayo afar qodob oo muhiim ah.

“ Qorshaha Isbeddelka qaran Waa qorshe lagu beddelaayo qorshaha sagaalaad ee hadda socda. Waxaa uu dhaqan galayaa January 2025. Waxaa uu dhamaanaya 2029. Qorshaha waxaa uu ka kooban yahay afar tiir oo waa waayn. Tiirka dowllad wanaaga. Tiirka horumarinta dhaqaalaha. Tiirka horumarinta karaanka aadanaha iyo Tiirka Isbeddelka cimillada” Sidaa waxaa Radio Kismayo u sheegay Agaasimaha waaxda qorshaynta qaran ee wasaaradda qorshaynta, Maalgashiga dowlladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha Jira iyo waliba fursadaha cusub ee uu abuuri karo qorshahaan cusub ee qaran oo ay ku jiraan qodobo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Caqabadaha ugu way nee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in qorshaha qaranka uu markasta u baahan yahay lacag  Soomaaliya ay leedahay balse hadda aysan haysanin lacag uu dalka leeyahay si loogu saleeyo qorshaha qaranka ee 2025 ilaa 2029.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta dowllada Jubbaland Maxamed Wali Cali ayaa waxaa uu sheegay in sadex cisho ee soo socota wasaaradaha Jubbaland iyo Bulshada rayidka oo shirka ka qayb galaysa uu uga fadhiyo in qorshaha qaran ay ku daraan arimaha muhiim  u ah State Jubbaland.