Maamulka dowladda hoose ee Degmada Afmadow oo yeeshay kulan ay ka qeyb galeen mas’uulyiinta Degmada odeyaasha dhaqanka, Haweenka, qurba joog

85
Maamulka dowladda hoose ee Degmada Afmadow ayaa maanta yeeshay kulan ay ka qeyb galeen mas’uulyiinta Degmada odeyaasha dhaqanka, Haweenka, qurba joog iyo Marti sharaf kale.
Kulankan oo ay taaba galisay hay’adda PCG ayaa lagu ansixiyay qorshaha 5-ta sano ee horrumarinta deegaanka, iyadoona aad looga dooday sidi horrumarka deegaanka si guud bulshada isaga lahyeed qaybaheeda kala duwan.
Inti uu kulanka socday ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay guddiga dhaqaale uruurinta horumarka degmada Afmadow, iyadoona si dardar leh ay u socoto shqada guddiga loo xil saaray.