Guddoomiyaha Aqalka Sar ee Baarlamaanka JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay

140
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.
Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib ueegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taaganyahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo waxkasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.