Beeraleeyda Gobolka Jubbada Hoose oo sameeystay keeydad biyo ah oo ay u baxsadaan marka ay abaar dhacdo.

156

Iyadoo lagu jiro u diyaar garoowga xilli roobaadka deyrta isla markaasina ay dadka Beeraleeyda ah isu diyaarinayaan falashada beeraha iyo abuurista dhibicda hore ee roobka deyrta ayaa beeraleeyda inta badan waxa ay la kulmaan caqabado badan ay ka mid tahay fataado iyo saameyn kale oo uu sababo isbeddelka cimillada.

Hadabo si loo Dhiiragaliyo Wax-Soo saarka Dalagyadda Kala Duwan Ee Beeralaydu Tabcadaan ayaa waxa ay Beeraleyda qaar isku dayaan in ay sameeystaan keydad biyo si marka ay dhacdo roob la’aan ay ugu baxsadaan.

Waxaa aan wareeysi la yeelannay kaar kamid ah dadka beeraleeyda ah iyo sida ay u keydsadaan biyaha roobka si ay oga faai’daystaan marka ay u baahdaan xiliga ay abaartu dhacdo maadaama lagali rabo xiliga deyrta ayaa waxaa ay sheegeen inay cashar ka barteen dhibaatooyibka kasoo gaarey kayd la’aanta biyaha xili roobaadka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed ayaa Waxaan wax ka weeydiinay sida loogu sameeyni karo dadka Beeraleeyda ah keeydad biyo oo ay u baxsadaan dadka Beeraleeyda ah waxa uu inoo sheegay in ay jiraan keeydad ay sameeysteen dadka Beeraleeyda ah walina lagu guda jiro sidii loo heli lahaa keeydad waaweyn.