Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Jubbaland oo magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wafdi ka socday Bangigga Adduunka,

103
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Abdirahman Abdi Ahmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed-wali Ali iyo La-taliye sare Irshad Mohamed Ibrahim ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wafdi ka socday Bangigga Adduunka, gaar ahaan dhinaca arrimaha bulshada sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta Mashaariicda ka socda Jubbaland, Mashaariicda dhowaan la filayo iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bangigga Adduunka iyo Dowladda Jubbaland ee Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa Bangigga Adduunka ku amaanay Mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay ka taageeraan Dowladda Jubbaland, Waxaana uu u balan qaaday inuu u abuurayo jawi wanaagsan si loo xaqiijiyo in Mashaariicdaasi ay u fulaan si hufnaan iyo isla-xisaabtan ay ku dheehantahay, islamarkaana ay Dowladdu u qaadato doorkeeda hoggaamineed si ay xisaab celin u yeeshaan Mashaariicda.
Dhinaca kale, Masuuliyiinta ka socday Bangigga Adduunka ayaa aad u soo dhoweeyey hirgelinta qodobadii kulanka lagaga wada hadlay, Waxaana ay balan qaadeen in ay sare u qaadi doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Jubbaland.