Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland oo xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

120
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mr Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hogaaminayay oo Kismaayo maalmahan howlo shaqo u joogay.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland waxaa kulanka uu la qaatay wafdiga kasocday Hay’adda cunada iyo Beeraha ee FAO kuwehelinayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, Agaasimayaasha qaar ee Wasaaradaha Jubbaland iyo lataliyaal ka socday Wasaaradaha Dowladda.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland oo warbaahinta Dowladda la hadlay kulanka kadib ayaa madaxda Hay’adda FAO uga mahadceliyay howlaha muhiimka ah ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland isagoo sido kale sheegay in Jubbaland ay xoojin doonto kutiirsanaanta wax soo saarka kheyraadka kala duwan ee Eebe ku manaystay dalkeena.