Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey oo qaabilay Safiirada dalalka swizzarland, Sweden, Safiirka Midowga Yurub iyo hay’addaha kala duwan ee gargaarka.
Gudoomiyaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha iyo sameeynta Isbadalka cimiladda oo ay la qaban qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha gaarka ah.
Kulankan ayaa sido kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sii ballaarinta mashaariicda ay ka waddan deegaanka.
Ugu danbayntii Gudoomiye lafeey ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan deegaanka lagaga samata bixinayo.
Kulanka waxaa Gudoomiyaha ku wehelinayay Maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Ururka haweenka, Odayaasha dhaqanka iyo Masuuliyiin kale.