
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdirahman Cabdi Axmed oo ay wehelinayaan La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ee Arrimaha Siyaasadda iyo Horumarinta Mudane Maxamed Cabdullahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta mudane Maxamed-weli Cali ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa cusub ee Iskaashiga Horumarka Safaaradda Jarmalka Mr. Simon Hagemann iyo Wakiilka Hay’adda GIZ u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay balaadhinta iyo dardargelinta Iskaashiga Dowladda Jarmalka iyo Jubbaland ee dhinacyada Horumarinta Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Dhisidda iyo Tayenta Hay’adaha Dowladda.