Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Xalay Madaxtooyada Dalka Villa Soomaaliya kulan kulaqaatay Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Dr.Xassan Sheikh Maxamuud.
Kulanka masuuliyinta ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, sidii loo xoojinlahaa ladagaalanka iyo Ciribtirka khawaarijta. Waxaa sidoo kale kulanka qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Dolwada Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.