Maxaa looga hadlay kullanka maanta Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland

108
Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta qabatay kulan dib u eegis loogu sameynayey Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka Nugul ee ku nool Soomaaliya.
Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamed Weli Cali ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha uu quseeyo mashruucan, Hay’adaha ku bahoobay Daladda (BRkiS) iyo howlwadeenada Wasaaradda qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
Mashruucan oo diiradda saaraya xoojinta adkeysiga bulshooyinka nugul si looga hortago barakac cusub ayaa waxaa maalgelinaysa Dowladda Ingiriiska.