
Xeer ilaliyaha guud ee Dawlada Jubaland mudane Nuuradiin Maxamed Khaliif ayaa maanta kulan la yeeshay Hay’adaha Caddaalada ee degmada Dhoobleey, halkaas oo uu kula dardaarmay Xeer ilaaliyaasha , Garsoorayaasha iyo waaxda dambi baarista ee Booliiska una sharaxay xiriirka kawada dhexeeya Hay’adahaas kor ku xusan.
Sido kale Agasimaha guud e Garsoorka Jubaland mudane Cabdi Cabdullaahi Raabi ayaa bogaadiyay mamulka Garsoorka ee dagmada iyo dhamaan Hay’adaha wadashaqayntu kala dhaxayso Garsoorka sida ay u gudanayaan wajibaadkooda shaqo.




