Dhageyso Gudoomiyaha degmada Doolow ayaa la kulmay Saraakiil ka socotay Hay’adda UNICEF.

121
Gudoomiyaha degmada Doolow Maxaamed Xussen Cabdi ayaa la kulmay Saraakiil ka socotay Hay’adda UNICEF.
Saraakiisha Hay’adda ayaa laga dhageystay howlaha waxqabad ee degmada & xeryaha Barakacayasha oo ay ku jiraan Qoysas soo barakacay.
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay shaqadda ay Hay’adda UNICEF ka qabatay degmada, sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu amray iney sii balaariyaan howlaha waxqabad ee Degmada iyo deegaanada hoos-yimada.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Gudomiye kuxigeenka koowaad Aadan Barre Cali iyo Madaxa mashaariicda iyo xariirka Hay’ddaha Degmada Doolow Cabdiqani Xassan Uumiye, Afhayeenka Gobalka Gedo Cali Jubba iyo Xoghayaha Dowladda Hoose Cabdi Cali Xireed.