
Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.
Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si qota dheer uga wada hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda UK ee dhanka Ciidanka Milateriga.
Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad-celiyay Qorshaheeda dhanka Hormarinta Ciidanka iyo garab istaaga Dowlad dhiska Soomaaliya, waxuuna Safiirka Britain ee Soomaaliya ku amaanay sida ay uga Go’antahay inuu ka dhabeeyo howlaha shaqo ee Soomaaliya u joogo.



