Howlgal qorshaysan oo lagu qabtay Horjooge ka tirsaan Khawarijta,

138

Howlgal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen Gobalka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo hadda ahaa horjoogaha uruuriya lacagaha baadda ah Khawaarijtu ugu yeeraan Sakada ee gobalka Galgaduud.

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Khawaarijta ee gobalka Shabeellada dhexe, ka hor inta aanan Khawaarijta laga xoreyn guud ahaan Gobalkaas.

Horjoogahan dhiigya cabka ah ayaa sidoo kale ka soo howlgalay goballada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Khawaarijta ee Axmed Diiriye.

Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayaasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeellaynta Shacabka Soomaaliyeed.