Gudoomiyaha gobolka Gedo oo soo dhaweeyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubaland,

162

Gudoomiyaha gobolka Gedo mudane Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Jubaland Garyaqaan Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid ahna Gudoomiyaha Gudiga adeega Garsoorka Jubaland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Gedo.

 

Safarka waxaa ku wehelinayey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Jubaland mudane Nuuradiin Maxamed Khaliif ahna gudoomiye ku xigeenka Gudiga iyo xubno ka socday waaxyaha kala duwan ee Garsoorka iyo Maxkamadaha heerarkooda kala duwan.

 

Soo dhaweyn kadib Gudoomiyaha gobolka Gado ayaa u sheegay ahmiyadda uu garsoorka u leeyahay gobolka iyo baahiyaha Cadaaladeed ee kajira Gobolka.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa uu hogaaminayo ayaa lakulmay qaybaha kala duman ee Bulshada Dooloow oo ugu horeeyo maamulka dagmada Dooloow, Culumaa’udiinka iyo Dhalinyarada.