Shirka Bahda Cadaaladda Soomaaliya oo Kismayo ka socday sadex maalin oo la soo xidhay

180
Shirka Bahda cadaallada Soomaaliya oo mudo sadex maalin ah ka socday aqalka martida ee dowlladda Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa manta la soo gabagabeeyey.
Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa looga wadda hadlay caqabadaha ku meersan arimaha cadaallada iyo sinaanta iyo sida halka manta la joogo looga dhaqaaqi karo oo kor loogu qaadi-karo arimaha cadaallada.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashe Maxamed Yuusuf iyo Wasiirka wasaaradda Cadaallada iyo dastuurka ee xukumadda federaalka Soomaaliya Xassan Macalin Maxmuud ayaa soo xidhay madasha bahda cadaallada Soomaaliya oo Jubbaland martigalisay.
Wasiirka wasaaradda cadaallada iyo dastuurka dowllada federaalka Soomaaliya oo shirka soo xirey ayaa sheegay in shirkaan uu horsed u yahay dadaallada Cadaallada ee soomaaliya ee la doonayo in xaallada cadaallada soomaaliya wax looga beddello.