Wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Wafdigan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiiro katirsan XFS Xildhibano ka kala tirsan BJFS iyo Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland iyo xubno kale.
Wafdigan ayaa ahaa nabadaynta dadka walaalaha ah ee shaqaaqada kudhex martay degmada Luuq maalmihii u danbeeyay waxana wafdigan loo galbiyay gudaha magaalaga iyagoona kulama gooni gooni ah laqaadan doono Bulshada kunool degmada Luuq halkaas oo ay kaga sii amba qaadi doonaan in ay nabad kala dhex dhigaan Beelaha walalaha ah ee dirirtu dhexmartay maalmihii danbe.