Dhageyso: Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka furey shirka toddobaadka Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsatada iney maalgashadaan kheyraadka Badda.

198

Wasiirka Kalluumeysiga Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka furey shirka toddobaadka Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsatada iney maalgashadaan kheyraadka Badda.

Shirkaan ayaa lagu soo bandhigay qaabka looga faaideeysan karo kheyraadka ku jira baddeenna taas oo ay dadka Soomaaliyeed ay ka baahan yihiin isla markaasina loo baahan yahay wacyi galin ku aaddan in ay dadka soo saartaan nimcada dhex ceegaagta badaha Soomaaliyeed.

Sidookale waxaa la soo bandhigay noocyada kala duwan ee kheyraadka ah ee ku jira badda iyadoona mas’uuliyiinta ka qeyb gashay shirkaas mid mid loo kor geeyey kalluun laga soo saaray baddeenna