Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maata yeeshay kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka

259
Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland ayaa maata yeeshay kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka kaas oo ugu horayn ay u coddeeyeen ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka Dowladda Jubbaland.
Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada fadhigiisa 5-aad oo uu shiir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan islamarkaana uu wehelinayay Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa soo xaadiray 68 mudane oo katirsan Golaha Wakiilada.
Qodobada waxkabadalka lagu sameeyay ee Dastuurka Dowladda Jubbaland waxaa kamid ah qodobka 70-aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray waxaana loo guuray qodobka 65-aad kaasoo dhigaya in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, oo uu horay Baarlamaanku uga soo shaqeeyay, sido kale u tartamida Madaxweynahana ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.