
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska-Jubaland, mudane Cabdifatah Maxamed Mukhtar ayaa tababar la xiriira xoriyadda hadalka magaalada Kismaayo uga furay Wariyeyaal ka howgala deeganada Jubaland.
Aqoon kororsigaan oo uu taageeray Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee United Nations Assistance Mission in Somalia – UNSOM ayaa socon doona laba maalin, waxaana si toos ah u bixinaya saraakiisha xuquuqul Insaanka u qaabilsan UNSOM iyo howl wadeeno katirsan wasaaradda, ayadoo diiradda lagu saarayo mabaadi’da caalamiga ah ee ku aaddan xorriyadda hadalka, iyo sidoo kale heerarka xuquuqda aadanaha ee gobolka oo dhan.




