Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa manta xilka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Telefeshinka Dowladda Jubbaland iyo Agaasimaha cusub

227
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa manta xilka u kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Telefeshinka Dowladda Jubbaland mudane Jaamac Axmed Cali (Joofane) iyo Agaasimaha cusub mudane Cabdullaahi Cabdiraxmaan Barre oo shalay xilkan loo magacaabay.
Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta dhexe ee Telefeshinka ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Shaqalaha TV-ga, waxaana Agaasimaha cusub ee Jubbaland TV mudane Cabdullaahi Cabdiraxmaan Barre lagu wareejiyay faylasha xogta dhamaan waaxyaha uu ka koobanyahay Telefishinka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar oo munaasabadda xilwareejinta ka hadlay ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay sii labo jibaaraan shaqada adage e ay u hayaan bulshada, sidoo kalana ay xoojiyaan doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada la dagaalanka fikirka xagjirka ah.