
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.
Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.
Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Africa.