Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka Dowladda Jubbaland Siyaad Ibraahim Maxamed ayaa magalada Nairobi uga qayb galay shirka horumarinta hay’addaha Dowladda dhanka horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga.
Shirka waxaa kasoo qayb galay, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Maaliyadda Dowlad goboleedyada, Guddoomeyeyaasha guddiyadda shaqaalaha rayidka Dowlad goboleedyada, Agaasimeyasha guud ee wasaaradaha Maaliyadda Dowlad goboleedyada iyo Mashuurca PREMIS2 iyo Hay’da FCDO.
Kulanka oo socday muddo labo beri ah ayaa lagu wadaagay hannaanka horumarinta shaqaalaha Dowladda iyo kor u qaadista fakhliga dalkeenna iyadoo Guddoomiyaha guddiga shaqalaha rayidka Jubbaland Siyaad Ibarahim Maxamed uu madasha kusoo bandhigay muhiimada ay leedahay horumarinta aqoonta shaqaalaha iyo kordhinta dakhliga dalka ay qayb muhiima ka qaadanayso hoos u dhigista shaqo la’aanta ka jirta dalkeenna.
Gabagabadii shirka ayaa lagu heshiiyey in iskaashi buuxa laga sameeyo hannaanka xaqiijinta himilooyi