Magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa lagu qabtay kulanka wacyigalinta iyo daadajinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka.

227
Magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay
kulanka wacyigalinta iyo daadajinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland, Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Caafimadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmada Kismaayo.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka ayaa ujeedkiisu daaranyahy aragti aruurin Bulsho iyo Hogaamiyaasha ee ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshe daah-furka xarunta Hay’adda NIRA ay ka furayso magaalada Kismaayo, iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeeggan heer degmo, heer deegaan ilaa heer tuulo.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaralka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid mira dhal ah, muhiimna ay tahay in marwaliba lagu shaqeeyo xog aruurinta Bulshada, sidoo Kale Wasiirka ayaa tilmamay mudnaanta ay leedahay in lala tashado Bulshada.