
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Maareeyaha hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Qaranka Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde oo howlo shaqo u yimid Jubaland.
Masuuliyiinta ka socday hay’ada NIRA ayaa Jubaland u yimid aragti uruurin ku aadan diiwaan galinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, Qorshe daah-furka xarunta hay’adda NIRA ay ku yeelanayso Jubaland iyo sida ugu fudud ee loo gaarsiin karo adeeggan heer degmo, heer deegaan ilaa heer tuulo.




