Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee deegaannada Jubbaland.

250
Madaxweynaha dowladda jubbaland Mudane axmed maxamed islaam ayaa magaalada kismaayo maanta ka daahfuray imtixaamka shahaadiga fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe kaas oo ay sanadkaan deegaanada jubbaland uga fariisteen arday tiradoodu gaarayso 4357,waxaana imtixaamkaan sanad walba qaadda wasaaradda waxbarashadda dowladda jubbaland.
Imtixaamka ayaa waxaa lagu galayaa 20 goobood oo ah deegaanada jubbaland xilli tiradda sanadkaan ee imtixaamka ufariisatay hoos udhac weyn ay jirto sidda ay shaaciyeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda jubbaland
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane axmed maxamed islaam ayaa waraaqaha imtixaamka i qaybiyay ardayda imtixaamka ku galayso iskuulka kafaalo gannaane.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda jubbaland cabdinaasir seeraar maax ayaa guul u Rajeeyay dhamaan ardayda maanta Imtaxaanka u fariistay, isagoo fariin udiray waalidiinta iyo ardayda.