Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Aw-Qaafta Iyo Arimaha Diinta Jubaland ayaa maanta kulan is barasho la qaatay Hogaanka Culuma-Awdiinka Dowlada Jubaland.

228
Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Aw-Qaafta Iyo Arimaha Diinta Jubaland Aden Faarax Gaarane ayaa maanta kulan is barasho iyo dar-daran gelin shaqada Wasaarada ah la qaatay Hogaanka Culuma-Awdiinka Dowlada Jubaland.
Kulanka isbarashada kadib waxaa lagu soo qaatay qodobada hortebinta u ah Wasaarada bishan Juun ayaa gabagabadii ka soo baxday qodobadan:
1. In wacyi gelin degdeg ah laga sameeyo arimaha taagan ee Anshax xumada iyo munkarka ee ka jira deegaanada Jubaland fatwooyinna laga sameeyo.
2. ⁠in lala kulmo baaritaana lagu sameeyo mu’asaadka ku hawlan fulinta hawlaha Ul-Xiyada si shareecada waafaqsan Bisha Dulxaj.
3. ⁠mideynta masaajidyada xilayada salaada iyo aadaamkooda.
4. ⁠Diyaar gareeynta goobaha Salaada Ciida nagu soo food leh .
5. ⁠Xoojinta Xiriirka Wasaarada iyo culumada.
Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa hawlwadeenada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dowladda Jubbaland.