Ciidanka Booliska Jubaland oo ku wareejiyay Puntland rag ku eedaysan kiis dil ah

227
Ciidanka Booliska Jubaland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Ciidanka Booliska Puntland, khaasatan kuwa Gobolka Mudug ku wareejiyey eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise kuwaaas oo ku eedeysan in 𝟐𝟗/𝟏/𝟐𝟎𝟐𝟒 degmada Jariiban ay ku dileen Marxuum Cabdiraxman Maxamed Afrax.
Labadaan eedaysane oo laga soo qabtay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa laga dajiyay Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana saraakiishi waday kala wareegay eedaysanayaasha loo haysto dilka Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Afrax, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in ay isku xiranyihiin dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliya, sidaa darteedna gacanta lagu soo dhigi doono cid walba oo dambi gaysta, sharcigana la horkeeni doono.