Ciidanka Booiiska Jubbaland oo gacanta kusoo dhigey laba eedaysane oo baxsad ahaa

216
Ciidanka Booiiska Jubbaland ee ka howlgala dagmada Dhoobley oo daba socday dhaq dhaqaaqa edeysaneyaal baxsad ka ah Cadaaladda, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay gudaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya, ayaa wada shaqeyn dhexmartay labada ciidan oo si wada jir ah isaga kaashada sugidda amniga suragalisay in gacanta Booliska Jubaland ay soo galaan.
Edeysanayaasha oo kala ah Aadan Cilmi Ciise iyo Cawil Ciise Xirsi ayaa loo heystaa dilka marxuum Cabdinuur Maxamed Cali, oo ay ku dileen dagmada Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug tariikhdu markeey ahayd 24/11/2023.