Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Jubaland Mudane Sakariye Cabdi Cali ayaa saaka furay Tababar ku saabsan sidii loo dar-dar galin lahaa shaqada Nidaamka cusub ee SOMCAS, kaas oo ah nidaam cusub oo lagu ilaalinayo bad qabka Agabyada Ganacsatada , nidaamkan ayaa xoojinaya habka canshuur bixinta Ganacsatada.
Tababarkan waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda, hay’ada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Howl wadeenada sida gaar ka ah uga shaqaynaya Nidaamkan cusub.
Aqoon korarsigan waxaa uu socon doonaa Mudo Sadex cisho ah Iyadoo kasoo qayb-galayaasha la bari doono sida uu u shaqeeyo nidaamkan SOMCAS.