
Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga oo golaha la wadaagay abaabulka iyo diyaar-garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Argagixisada.
Waxa sidoo kale golaha loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyo siyaasadda dawladda ee baraha bulshada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada.