Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Jubbaland oo Kismaayo ka daahfurtay tababar cilmiyeed sare loogu qaadayo aqoonta iyo kartida shaqaalaha Dowladda,

239
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jubbaland mudane Ayaanle Xuseen Maxamad ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray tababar cilmiyeed sare loogu qaadayo aqoonta iyo kartida shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Jubbaland sida Gargaarka, Cadaaladda iyo Qorsheynta,
waxaana sidoo kale tababarka qeyb ka ahaa xubno ka socday Jamacadaha magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Tababarkan oo daarranaa habka kormeerka iyo qiimaynta dabagalka mashaariicda hormarineed ayaa waxaa iskakaashaday Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee la shaqeeya waxaana uu socon doonaa muddo shan maalmood ah.