Degmada Ceelwaq markii ugu horeysay muddo 30 sano ah oo laga hir galinaayo cisbitaal caafimaad

249
Maamulka degmada iyo Injineero ka socda hay’ada Trocaire oo maanta soo gaaray degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa dhagax dhigay dhismaha Isbitaal la qorsheynayo in laga hirgeliyo markii u horeeysay muddo 30 sano ka badan Degmada Ceelwaq oo ka mida deegaannada ay ka jireen dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegga caafimaadka.
Dhagax dhigga isbitaalkaan ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu wax weyn ka tarayaa dhibaatooyinka dhanka caafimaadka ee ay la daalaa dhacayaan Bulshada ku nool degmada Ceelwaq iyo Deegaanada hoos yimaada ee Gobolka Gedo.
Maamulka Magaalada oo uu hogaaminaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad, Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubaland ee gobalka Gedo, odayaasha dhaqanka ee degmada iyo Gudiga Boorka ee hay’da Trocaire ayaa dhagax dhigay isbitaalkaan, iyagoo sheegay in ay bulshada
baahi weyn u qabaan helitaanka adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Madaxa lojistikada ee hay’da Trocaire Isla markaana hogaaminayay wafdiga, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystirayo dhismaha Isbitaalkan, maadaama baahi weyn loo qabo