Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbalabd oo uu weheliyo Agaasimaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay khuburo kasocotay Mashruuca loo yaqaano Birimis2 oo ay maalgaliso Safaaradda dalka Dermark kaas oo si weyn Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland uga caawiyay dhinaca horumarinta Kastamyada iyo xoojinta ilaha dhaqaalaha dowladda.
Wafdiga Khuburada ah ayuu Agaasimhuhu geeyay Dekedda magaalada Kismaayo halkaas oo ay kormeer iyo qiimeyn kusoo sameeyeen, iyagoona u kuurgalay sida ay dekeddu shaqadeeda u socoto.
Intaa ka gadaal waxa ay xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbalabd Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed:-Handal iyagoo ka arinsaday arimo badan oo muhiim ah, Wasiirka ayaana Khuburada ka dhageystay talooyiiinkooda ku aadan hormarinta Kastamyada.