Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay kulan ku saabsan dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga Qaran (SNID)

183
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Xarunta Qaran ee gurmadka degdegga ah ee Hay’adda SoDMA waxa uu ku tagay kormeer, waxaana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.
Wasiirka ayaa hay’adda waxa ay u soo bandhigtay warbixin la xiriirta xaaladda fatahaadaha dalka, dedaallada ay wado, in gargaar gaarsiisay goobaha cabsida laga qabo, si hadii xaladahaan dhacaan dadka hoy uga dhigtaan.
Bandhigga kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladdaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman lahayd noloshooda iyo hantidooda, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ee deggan webiyada Jiinkooda iyo togoggada ku adkeeyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha digniinta ah iyo talooyinka ka imaanaya khubarada Hey’adda SoDMA.
Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.