Shiir lagu qabtay degmada Baladxaawo oo loga hadlay amniga Gobolka Gedo,

222

Shirkan oo ahaa mid diirada lagu saarayay adkeynta amniga guud ahaan degamda Baladxaawo iyo degaanada hoosyimaada ah ayaa waxaa qayb ka ahaa dhamaan saraakiisha Amniga gudaha iyo dibada Heer gobol iyo heer degmo sida Nabadsugidda,milatariga,Booliska iyo Daraawiishta Dowlada Jubbaland.

Shirka oo saacada qaatay ayaa waxaa uu ku soo idlaaday isafgarad iyo sidii si wadajir ah looga wada shayan lahaaa amniga,Xasiloonida iyo Nabada bulshada iyo sidii guluf loogu qaadi lahaa Khawaarijta argagixisada ah ee dhuumaaleysanay

Sarakiisa amniga Gobolka ayaa ciidamada amniga degmada ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan adkeynta Amniga iyo xasiloonida iyagoona kula dardaarmay in ay sii joogteeyaan u adeegidda Bulshada Somaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyasada degamda mudane Abdifatah Nuur Matan ayaa warbaahinta la hadlay kadib gabagabada shirka.