Waxaa dhowaan Magaalada Muqdisho ka furmi doona shirka maalgaashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed, kaas oo ay iska kaashanayaan Bangiga caalamiga ah ee IBS Bank iyo Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS.
Shirkaan waa kii ugu horeeyay ee ku saabsan maalgashiga Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ay qabato Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Waaxdeeda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogata, loona qabto Qurbajoogta Soomaaliyeed.
Shirkaan ayaa muhiim u ah dhamaan qurbajoogta soomaaliyeed ee dalka maalgashaday ama qorsheeynaya in ay dalka maalgashadaan, waxaana looga hadli doonaa soo bandhigista doorka weyn ee qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku aadan maalgashiga dalka, soo bandhigista fursadaha maalgashi dalka ee dhinacyada waxsoosaarka beraha, kalluumeysiga, xoolaha, dhismaha iyo guriyeynta, waxbarashadda, caafimaadka, hal abuurka & tiknolojiyadda.
Shirka waxaa kasoo qayb gali doona madaxda sare dalka, wasiiro, xildhibaano, Ganacsato iyo qaar kamid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee maalgalinta ku sameeyay dalka.
Bangiga caalamiga ah ee IBS Bank oo u taagan dhiirigelinta maalgashiga iyo hormarinta dalka ayaa sanadkaan taabagelin doona shirkaan.