Cabsi badan oo laga muujinayo roobab xoogan oo ka da,ay magaaladda Baledweyne

262

Magaaladda Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiraan ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay xalay ka da’een roobab xoogan oo saameyay dadka ku dhaqan xaafaddaha Kooshin iyo Xaawo taako oo ka wadda tirsan Beleweyne.

Dadka ayaa saakay kala baxay Alaabahooda si ay uga badbaadaan saameyn kaga timaada dhanka wabiga oo sameyaha fatahaad,halkaa dadka qaarna ay kala baxsadeen naftooda si ay u gaaran dhulka taaga ah ee qalaalan oo aysan soo gaarayn biyaha.

Xilliyada ay ka da’aan roobabka Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale gudaha magaaladda ku soo rogmada daadad kaga yimaadah dhanka buuraha ku hareeraysan iyo wabiga oo isbiirsada taas oo sababtah in ay isaga barkacaan dadka deegaanka.

Roobka Gu’ga ayaa ka da’ay qeybo ka mid ah dalka kaas oo laga cabsi qabo in ay waxayoolo ka dhalto daadadka iyo wabiyada gobolada ay maraan inta badan u nugul fatahadaha ay sababaan dadka degan deegaanada ku teesan Aagga wabiyada ayaa dhawaan fariin digniin ah waxaa u dirtay hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka iyadoo kaga digaysa cabsi laga qabo in ay roobabka ka dhashaan da’dada iyo fatahaado sabab u noqda in dadka iyo duunyada galaaftaan,

Digniinta ay hay’adda soo saartay ayaa waxaa ay cabsi weyne ka muujisay roobka (Gu’ga) ee ka curtay dalka waxaana ay si weyn farta ugu fiiqaday hay’adda SoDMA  ay ka mid tahay  Baladweyn iyo degaanada ku dhaw o ay sheegtay in ay u nugul yihiin da’dad iyo fatahaad ka dhalan karta roobka Gu’ga oo degaanada ka da’ay.