Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Jubbaland oo Baled xaawo Ku qabatay Kullan Wada-tashi ah

277
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Jubbaland ayaa Degmada Baled xaawo ee Gobolka Gedo Ku qabatay Kulan Wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada, Kasoo qayb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu Wado ee ay ku uruurinayso fikradaha Muhiimka ah iyo ka qayb qaadashada horumarinta dukumentiga Istiraatiijiyadda Xalinta Khilaafaadka Jubbaland.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa Socon doona Muddo Saddex Maalmood ah ayaa lagu falandoona qodobo Muhiim ah oo kamid ah dadaalka lagu horumarinayo Nabadda, Xasilloonida, iyo Midnimada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.
Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masโ€™uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada baledxawo oo uu hormuud u yahay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Balad xaawo abdifataax Nuur Mataan Ururada Bulshada qeybahooda Kala duwan Sida odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo Culumaudiinka.
Munaasabadda ayaa Waxaa Sido kale ka qeybgalay dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo dadka naafada ah (PWDs), iyadoo la hubinayo hab horumarineed dhamaystiran kaa oo loo dhan yahay.
Barnaamijkan oo uu fududeeyay Prof. Cabdinaasir Cali Cismaan.
Mashruucaan ayaa waxaa Wasaaradda ka Caawinaya Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya III, Somalia Stability Fund III, oo ay maamusho Adam Smith International.