Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa manta u ambabaxay dalka Kenya halkaas oo lagu qabanaayo shir looga hadlaayo sida loo raadinaayo abuurka dhirta ku yaraatay ama ka dabar goday deegaanada Jubbaland iyo sida green hoose dhirta loogu bero.
Intii uu dalka dowllad la’aanta ka jirtay ayaa waxaa meesha ka baxay dhir badan oo muhiim u ahayd deegaanka iyo waliba nolasha Bulshada.
Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland oo kaashanaysa hay’adda GIZ ayaa wadda dadaal dib loogu soo celinaayo dhirtii dabar goday.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaaka hadlay ahmiyada uu shirkan leeyahay iyo waxyaabaha laga filan karo.