Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay Munaasabad lagu xusayay todobaadka Talaalka Adduunka.

360
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowaladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay Munaasabad lagu xusayay todobaadka Talaalka Adduunka.
Xafladan ayaa ah mid wacyigalin oo ku aaddan in caruurta la talaalo si looga gaashaanto xanuunada halista ah ee soo wajihi kara caruurta.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland ayaa ka qayb galay munaasabadda, iyadoo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.
Kalmad jeediyayaashii kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu talaalku u leeyahay caruurta, iyagoona isku raacay in la dar-dargaliyo wacyigalinta si ay bulshada faham badan uga hesho xanuunada ay tahay in la’iska talaalo iyo sida ay taasi muhiimka u tahay.