Waxa Faahfaahino Dheerada laga helayaa howlgal ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada caalamiga kaas oo ka dhacay degmada Ruun-irgood ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Hawlgalkan oo dhacay 24kii bishaan ayaa lagu beegsaday goob ay ku shirsanaayeen xubno katirsan khawaarijta kuwaas oo maleegayey dhagar ay la maaganaayeen Shacabka ku nool Shabeelaha Dhexe.
Wararka ay heshay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegaya in hawlgalkan oo ahaa mid cirka ah lagu dilay Horjooge Cali Ciid Barre oo Khawaarijta u ahaa madaxii Maaliyada ee Gobolkaas,iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay horjooge Magaciisa lagu soo Koobay saabir oo ahaa Ku xigeen u ahaa dhagarqabaha la dilay.
Sidoo kale waxaa jiray maleeshiyaad ilaalo u ahaa horjoogayaasha uu howlgalka ka soo gaaray khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Dowlada Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamka ayaa sii kordhiyey beegsida horjoogayaasha si weyn loo doon-doonayo ee ku dhuumaalaysanaya deegaano ka tirsan Gobolada dalka.