Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee dowladda Jubbaland Ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku-xigeenka madaxa xafiiska UN OCHA ee Soomaaliya

290
Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee dowladda Jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku-xigeenka madaxa xafiiska UN OCHA ee Soomaaliya oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland, iyadoo ay sidoo kale kulanka ka qayb galeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Biyaha iyo masuuliyiin kale.
Socdaalka sargaalkan sare ee ka socday xafiiska UN OCHA ayaa la xiriiray sidii uu ugu kuurgali lahaa arrimaha Bini’aadannimo ee ka jira Jubbaland, maadaama ay fatahaadihii El-nino saamayn baaxad leh ku yeesheen dad badan oo Jubbaland ku nool.
Ku simaha Madaxwaynaha oo waftiga warbixin ka siinayay xaaladaha kala duwan ee Jubbaland ayaa tilmaamay in amaanka deegaannada xorta uu yahay mid si buuxda la isugu hallayn karo.