Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Abdiqadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta daahfuray dhamaystirka siyaasadda maamul daadejinta a

230
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Abdiqadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) ayaa maanta daahfuray dhamaystirka siyaasadda maamul daadejinta ayaa noqon doonta kala saaridda wajibaadyada kala duwan ee heerarka dowladda.
Kulankan oo ay maanta soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib uhishiisiinta Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa Madasha goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland.
Isku imaatinkan ay maanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland soo qaban qaabisay ayaa daarranaa dhamaystirka siyaasadda maamul daadejinta ayaa noqon doonta kala saaridda wajibaadyada kala duwan ee heerarka dowladda.
Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Abdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugu dheer) ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ku amaanay sida ay ugu howlantahay dhameeystirka adeegga maamul daadajinta iyo howalaha kale ee ay Wasaaradda bulshada u hayso.