
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka qayb galay Shirka 33-aad ee Wasiirada Beeraha Africa, oo lagu qabtay magaalada Rabat ee Dalka Morocco.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-habeynta iyo horumarinta nolosha Beeraleyda yar yar (Rural transformation) iyo barida Beeraleyda laqabsiga iyo u adkeysiga isbedelka cimilada.
Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud FAO, AU commissioner-ka ee Beeraha, Wakiilo ka socda Caalamka iyo Quburo ku xeeldheer arrimaha Beeraha, iyada oo Soomaaliya shirkaan uu ku matalayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)