Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib UHeshiisiinta Jubbaland oo daahfurtay mashruuca Daris-wanaag oo ka shaqaynaya xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

274
Wasaaradda Arrimaha gudaha fadaraalka iyo dib u hishiinta dowladda Jubbaland oo kaashanaysa dawladda Ingiriiska iyo hay’adda Dutch ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay mashruuca Daris-wanaag oo ka shaqaynaya xuduudaha dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Daahfurka mashruucan waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland, Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga gudaha XFS Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amniga gudaha Soomaaliya xubno ka tirsan golaha xukuumadda Jubbaland Agaasimeyaal guud, hay’ado caalmi ah oo fududaynaya Barnaamijkan iyo masuuliyiin kale.
Qorshaha ugu wayn ee laga leeyahay mashruuca daris-wanaag ayaa ah ka shaqeynta nabadda, xasilloonida bulashada iyo kor u qaadidda ganacsiga ee xuduudaha dalal la jaarka ah Soomaaliya, sida Itoobiya iyo Kenya oo iyagu xuduud dheer la leh dalkeenna.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Oogle oo madasha daahfurka mashruuca ka hadlay ayaa bidhaamiyay muhiimadda barnaamijkan iyo ka faa’idaysiga bulsho ee dhaqan dhaqaale.